Hopp til hovedinnholdet

Koorso degdeg ah oo ku saabsan mutadawacnimo

Baro mutadawacnimada oo noqo mutadawac naftaada!

Velg språk:

Waxaa jira ururo badan oo wanaagsan oo lagu biri karo.

Penelope Lea
Miljøagentene, Oslo

Bixi qaar ka mid ah waqtigaaga bedelkeedana hel wax qiimo leh!

Maxaad xiisaynaysaa? Ma jeclaan lahayd inaad dadka kale kala shaqeyso waxa ku xiisa geliyo ee urur aan faa'iido doon ahayn? Ururrada dhexdooda, waxaad ku baran kartaa dad kale waxaadna yeelan kartaa asxaab. Waxaad baran kartaa wax cusub. Waxaad kordhisanaysaa aqoontaada waxaadna helaysaa khibrad iyo shabakado kaa caawin kara noloshaada xirfadeed, waqtiga firaaqada iyo nolol maalmeedkaaga.

Waxaan ka fikiraayay sida aan waxtarka u leeyahay ka dib markii ay I diiwaangelisay Gargaarka Dadweynaha ee Norway (Norsk Folkehjelp)

Nour Aburashid
Norsk Folkehjelp

Ururada aan faa’iido doonka ahayn

Noorway qiyaastii waxaa jira ku dhowaad. 100,000 ururo samafal ah. Ururada aan faa’iida doonka ahayn, waxaan iskaashi kala yeelannaa arrimaha na khuseeya. Tani waxay noqon kartaa wax kasta laga bilaabo heesaha kooxda heesaha ilaa tiyaatarka carruurta, ka shaqeynta bay’ada wanaagsan ama caawinta dadka balwadda leh

Mutadawacnimada waxay ka dhigan tahay inaad waqtigaaga qaar u bixiso sababo gaar ah bulsho beel gaar ah, adiga oo aan helin wax mushahar ah. In ka badan 60% dadka ku nool Norway, yar iyo weyn, ayaa mutadacnimo u shaqeeyey muddo sannad ah. Dadaalladaasi waxay ka dhigayaan ururrada aan faa’iida doonka ah tiir muhiim u ah bulshada Noorweey, iyadoo kumanaan bulshooyinka yaryar iyo kuwa waaweynba ay soo saaraan qayaamo u dhigma balaayiin.

Waxaan dareemayaa inaanay jirin shaqo aad u yar, ama aad u weyn, runtii. Dhammaan shaqooyinka waa in la qabtaa, ha ahaato karinta hilibka la dubo ama keega dubista, ama qaadista qashinka ama nadiifinta, ama waxkastoo kale.

Marit Nerland
Molde Janitsjar, Molde og Omegn Idrettsforening

Waad ku biiri kartaa!

Mutadawacnimada ayaa u furan dadka oo dhan! Waxaad uga qaybqaadan kartaa kaligaa ama adigoo la shaqeeya dadka kale, adiga iyo asxaabtaada ama qoyskaaga. Markaad kaqaybqaadato, waxaad sidaas la samaynaysaa dad kale oo aad isku dano/xiise tihiin. Waxaad wax ku biirineysaa ujeedada ururkaaga, waxaad u adeegaysaa dadka kale waxaadna saameyn ku yeeleysaa bulshada aad ku dhex nooshahay!

Sideen uga mid noqon karaa?

  •  

    Raadi ururadayada xubinta naga ah

    Waxaan haynaa in kabadan 300 ururo oo leh tobanaan kun oo bulshooyin deegaaneed ah iyo isku-imaatino. Eeg haddii aad hesho wax adiga kugu habboon!

  •  

    Meeleyn ka hel Frivillig.no

    Frivillig.no wuxuu ururiyaa kumanaan shaqooyin oo mutadawacnimo ah iyo ururo ka kala yimid daafaha dalka. - Ururada Frivillig.no waxay diiwaangeliyaan mutadawiciin cusub. Dad badan waxay waxqabadkooda iyo ururadooda ka helaan Frivillig.no. Waa lacag la’aan qof kasta oo doonaya inuu noqdo mutadawac wuu isticmaali karaa. Iyadoo la isticmaalayo Frivillig.no, ururada samafalka waxay awoodaan inay la xiriiraan dad badan. Waxa jira dhalinyaro badan iyo dad ka soo jeedo bulshooyin laga tira badan yahay oo isticmaala Frivillig.no

Immisa ayey ku kacaysa/qiimaheeda?

Ururada aan faa’iida doonka ahayn waxay leeyihiin waxqabadyo badan oo qiima jaban ama bilaash ah in laga qeybqaato. Qalaa ayaa mararka qaarkood loo baahan yahay si looga qaybqaato ururada, sida hawlaha isboortiga ama kooxaha. Qalabkan ayaa badanaa laga soo amaahan karaa hay'adda ama xarunta kirada so bilaash ah. Haddii aad xubin ka noqoto urur inta badan waxaa jiri doona khidmadda xubinnimada. Ururo badan ayaa yeelan doona qiimo dhimista xubinimada walaalaha. Waxaa sidoo kale jira qorshayaal aad ku heli karto caawimaadda khidmadda xubinimada. Weydii degmadaada wixii ku saabsan qorshahooda.

Dharka caaga ah, qalabka kalluumeysiga, dabinnada kalluumeysiga, xadhkaha beeraha kalluunka, kuraas, saliingo, talooyin tayo leh, Kuuskuusyada yar ee lastikada ka sameysan eel aga helo garoomada kubada cagta, kabaha, dharka. Ma ahan wax xadidan waxa aan heli karno.

Kurt Kristiansen
Vi Rydder Askøy

Maxaa lagugu siinayaa mutadawacnimada?

Ururada aan faa’iida doonka ahayn waxaad ka mid noqonaysaa bulshada, waxaad ka helaysaa shabakado cusub, aqoon, waayo-aragnimo iyo xusuus aad u wanaagsan. Waxaad heli doontaa ugu yaraan inta aad bixiso!

Sidaas darteed, waxaan bilaabay ururkan si aan u caawiyo carruurta iyo dhalinyarada Kuwaas oo yimid Norwey iyagoo qaxooti ah. Sababtoo ah taasi waa meeshii aan is dhexgal ku sameeyey.

Richard Kiwanuka
Way forward, Bring children from streets

Maxay mutadawacnimada ugu dhigan tahay Norway?

Mutadawacnimada waa qiime muhiim u ah bulshada Noorweey, waxayna soo ahayd muddo dheer. Ururada aan faa’iida doonka ahayn waxay hogaan ka inta badan tusaalaha daryeelka Norwey iyo horumarka dimoqraadiyadeena. Waxaa jira ururo badan oo u dooda sinnaanta xaquuqda dhamaan dadka, ilaalinta dhaqanka iyo dabeecadda, bixiya nashaadaad wanaagsan oo loogu talagalay carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn, iyo daryeelka bukaanka iyo waayeelka.

Eeg xaqiiqooyinka ku saabsan mutadawacnimada (Norsk)

Waxaa jira dad aad u tiro badan oo u baahan caawimaad, waxaanan jeclaan lahaa inaan ku lug yeesho waxyaabaha noocaas ah.

Ziad Altaha
Mandal Røde Kors, Norsk Folkehjelp Mandal

Waa maxay Frivillighet Norge?

Frivillighet Norge waa urur xubin ka ah in ka badan 300 ururro samafal oo norweey ah oo tobanaan kun oo bulshooyin iyo ururo deegaaneed ah leh. Laga soo bilaabo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn, dhammaantood waxaad ka heli doontaa xageena. Eeg liis buuxa ee kuwa xubnahayaga ah.

Shaqadayadu waa inaanu kobcino boosaska banana ee loogu talagalay mutadawacnimada. Taasi macnaheedu waa inaan:

  • Qabano koorsooyin oo aan sameeyno goobo lagu kulmo oo loogu talagalay ururada aan faa’iida doonka ahayn
  • Uga shaqeeyno xaalad dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo u wanaagsan qaybta mutadawacnimada.

Meld deg på vårt nyhetsbrev

Les personvernerklæring